WAR CUSUB: Ryan Giggs oo xaqiijiyay in Manchester United ay muddo 11 sano ka hor Sida Mbappé

Halyeeygii hore ee Manchester United, Ryan Giggs, ayaa shaaca ka qaaday xog xiiso leh oo ku saabsan xiddiga reer France ee Kylian Mbappé, isagoo xaqiijiyay in kooxda Ingiriiska ay si dhab ah ula socotay xiddiga xilli uu weli da’yar ahaa.

Giggs ayaa sheegay in arrintan ay dhacday xilligii uu qayb ka ahaa maamulka Manchester United, ka hor inta uusan Mbappé caan ka noqon kubadda cagta Yurub, Giggs ayaa sheegay in sanadkii 2015, xilli uu ku jiray shaqada Manchester United, uu kulan kula yeeshay qof lagu magacaabo Lionel gudaha dalka Faransiiska.

Qofkaas ayaa Giggs u sheegay inuu si dhow ula socdo ciyaaraha kooxaha da’yarta ee Faransiiska, wuxuuna kula taliyay inuu si gaar ah u daawado ciyaaryahan da’yar oo markaas ka tirsanaa Monaco, kaasoo ahaa Kylian Mbappé, Lionel ayaa Giggs u sheegay in Mbappé uu noqon karo ciyaaryahan ku habboon Manchester United.

Giggs ayaa sheegay in dhowr toddobaad kadib Lionel uu u soo diray dhammaan xogtii uu ka hayay Mbappé, Arrintaas kadib, Giggs wuxuu sheegay inuu isaga iyo tababare ku xigeenkii Manchester United ay tageen si ay si toos ah u daawadaan ciyaar ka tirsan kooxaha da’yarta Monaco.

Giggs ayaa sheegay in Mbappé uu xilligaasba ahaa ciyaaryahan si weyn uga dhex muuqday ciyaartoyda da’diisa, Wuxuu tilmaamay in qofka daawanaya ciyaaryahan tayo gaar ah leh uu si fudud u dareemi karo farqiga u dhexeeya isaga iyo ciyaartoyda kale, Giggs ayaa sheegay in Mbappé uu xitaa da’daas yaraa ahaa ciyaaryahan aan caadi ahayn.

Mbappé ayaa ugu dambeyn ka soo dhex baxay akadeemiyadda Monaco, isagoo noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn kubadda cagta adduunka, Wuxuu kadib u wareegay Paris Saint-Germain, halkaas oo uu ku noqday xiddig caalami ah, ka hor inta uusan ugu dambeyn ku biirin Real Madrid, Sidaa darteed, hadalka Giggs wuxuu muujinayaa in Manchester United ay si aad ah u ogaatay kartida Mbappé isagoo weli da’yar, balse kooxda aysan ugu dambeyn gacanta ku dhigin ciyaaryahanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga