Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ku farxay bandhigga kooxdiisa kadib markii ay 5-1 ku xasuuqday Feyenoord kulankii furitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka 2026/27, Kulanka oo lagu ciyaaray Spotify Camp Nou, Barcelona ayaa soo bandhigtay ciyaar weerar leh, iyadoo guushan ay timid maalmo kadib markii ay sidoo kale 5-2 kaga adkaatay Valencia horyaalka La Liga.
Flick ayaa si gaar ah u amaanay Raphinha iyo Lamine Yamal, isagoo sheegay in qaab ciyaareedkooda uu muujinayo jawiga wanaagsan ee haatan ka jira qolka labiska Barcelona.
Flick ayaa yiri: “Waa wax aad u wanaagsan in la arko Raphinha iyo Lamine oo heerkan ku ciyaaraya, Kooxda waxaa ka jira jawi wanaagsan.”
Tababaraha Jarmalka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu farxay Lamine Yamal, kaasoo kulankan dhaliyay gool isla markaana markii ugu horreysay xiray shaarubka kabtannimada Barcelona waxa uu yiri:- “Lamine wuxuu ciyaaray kulan aad u wanaagsan, wuxuu dhaliyay gool, wuxuuna markii ugu horreysay xiray shaarubka kabtanka.”
Flick wuxuu sheegay in shaqada adag ee kooxda ay keentay horumarka muuqda ee ciyaartooda:- “Waxaan u maleynayaa inaan si wanaagsan oo dadaal badan u shaqaynayno, Waxaan leenahay tayo aad u sarreysa marka ay timaaddo sida aan kubadda ula dhaqanno, waana arrin aan aad ugu faraxsanahay.”
Si kastaba, Flick ma doonayo in kooxdu ku qanacdo guulaha waaweyn oo keliya. Wuxuu tilmaamay in Barcelona ay weli leedahay waxyaabo ay hagaajin karto:- “Waxaan arkaa dhinacyo aan horumarin karno. Taasi waa waxa ay tahay inaan ku dadaalno. Waa inaan ilaalinaa heerka sare ee shaqada iyo xawaaraha tababarrada, kadibna taas u gudbinaa ciyaaraha.”
Barcelona ayaa sidaas ku sii xoojisay bilowgeeda wanaagsan ee xilli ciyaareedka, iyadoo 10 gool dhalisay laba kulan oo xiriir ah kadib guulihii waaweynaa ee Valencia iyo Feyenoord, Flick wuxuu hadda doonayaa in ciyaartoydiisu ay sii wadaan isla heerkaas, iyadoo Lamine Yamal, Raphinha iyo xiddigaha kale ee kooxda ay door weyn ka qaadanayaan qorshihiisa.
Be the first to comment