WAR CULUS:- Messi miyuu markale dib ugu laabanaya uciyaarista xulka Argentina ?

Wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa shaaciyay in dadka aadka ugu dhow Lionel Messi aysan filaynin wax isbeddel ah oo ku yimaada go’aankiisa ah inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in xitaa haddii Messi loo soo bandhigo fursad uu ugu soo laabto Copa América, Koobka Adduunka, ama tartan kale oo weyn, uusan qorsheynayn inuu dib ugu ciyaaro xulka Argentina.

Messi ayaa si cad u sheegay inuu soo afjaray waayihiisa xulka qaranka, waxaana dadka ku dhow ay rumeysan yihiin in go’aankaasi yahay mid kama dambeys ah. Sida ay sheegayaan wararka, xiddiga Inter Miami wuxuu hadda diiradda saari doonaa oo keliya mustaqbalkiisa heerka kooxeed.

Go’aanka Messi ayaa soo xiraya mid ka mid ah waayihii ugu guulaha badnaa ee taariikhda kubadda cagta, isagoo Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka 2022, Copa América 2021 iyo 2024, isla markaana noqday gooldhaliyaha iyo ciyaaryahanka ugu safashada badan taariikhda xulka Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga