Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Inter Milan, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Talyaaniga ciyaar ka tirsaneyd kulamadii ugu horreeyay ee UEFA Champions League xilli ciyaareedka 2026/27.
Kulanka ayaa lagu ciyaaray garoonka Santiago Bernabéu, iyadoo Real Madrid ay saddexda dhibcood ku bilowday marxaladda horyaalka ee Champions League, Real Madrid ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 14-aad, waxaana goolka u dhaliyay xiddiga reer France Kylian Mbappé.
Mbappé ayaa kubadda ka helay Brahim Díaz, kadibna wuxuu si wanaagsan ugu dhammeystiray fursadda, isagoo kubadda dhex dhigay shabaqa Inter Milan.
Los Blancos ayaa sii xoojisay hoggaankeeda daqiiqaddii 26-aad, markaas oo Federico Valverde uu dhaliyay goolka labaad, Goolka ayaa yimid kaddib qalad weyn oo uu sameeyay goolhayaha Inter Milan, kaas oo si fiican u xakameyn waayay kubadda. Valverde ayaa ka faa’iideystay fursadda, wuxuuna Real Madrid ka dhigay 2-0.
Inter Milan ayaa qeybtii dambe isku dayday inay ciyaarta dib ugu soo laabato, waxaana dadaalkooda miro dhalay daqiiqaddii 76-aad, Carlos Augusto ayaa dhaliyay goolka Inter Milan kaddib baas uu ka helay kabtankooda Lautaro Martínez, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.
Inter ayaa isku dayday inay hesho goolka barbaraha, balse Real Madrid ayaa awoodday inay difaacato hoggaankeeda ilaa dhamaadka ciyaarta, Guushan ayaa Real Madrid siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, iyadoo kooxda uu hoggaaminayo José Mourinho ay si wanaagsan ku bilaabatay Champions League.
Kulankeeda labaad ee marxaladda horyaalka, Real Madrid waxay safar ugu bixi doontaa Talyaaniga, halkaas oo ay 14-ka October kula ciyaari doonto AS Roma.
Be the first to comment