Majaladda France Football ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska tababarayaasha u tartamaya Abaalmarinta Johan Cruyff ee Tababaraha ugu Fiican Adduunka 2026, iyadoo ay si weyn uga dhex muuqdaan tababarayaal reer Spain ah, Abaalmarintan ayaa qeyb ka ah xafladda Ballon d’Or 2026, oo ay si wadajir ah u qabanayaan France Football iyo UEFA.
Tababaraha Paris Saint-Germain, Luis Enrique, ayaa mar kale ka mid noqday musharraxiinta kadib markii uu kooxda ku hoggaamiyay ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah, isagoo sidoo kale sii xoojiyay guulihii waaweynaa ee kooxda reer Paris.
Sidoo kale, Mikel Arteta ayaa liiska galay kadib markii uu Arsenal ku hoggaamiyay ku guuleysiga Premier League markii ugu horreysay tan iyo 2004, isla markaana uu kooxda gaarsiiyay finalka Champions League, Tababaraha xulka Spain Luis de la Fuente ayaa isaguna loo magacaabay abaalmarintan, kadib markii uu Spain ku hoggaamiyay ku guuleysiga Koobka Adduunka 2026, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed si weyn loo ammaanay.
Dhanka kale, Unai Emery ayaa ku muteystay musharraxnimada markii uu Aston Villa u horseeday ku guuleysiga Europa League, waana koobkii ugu horreeyay ee Yurub ee taariikhda kooxda, Liiska waxaa dhammaystiray Vincent Kompany, oo Bayern Munich ku hoggaamiyay hanashada dhammaan koobabkii gudaha Germany, isla markaana kooxda gaarsiiyay afar dhammaadka Champions League.
Musharraxiinta Abaalmarinta Tababaraha ugu Fiican Adduunka 2026:
🇪🇸 Mikel Arteta (Arsenal)
🇪🇸 Luis de la Fuente (Xulka Spain)
🇪🇸 Unai Emery (Aston Villa)
🇧🇪 Vincent Kompany (Bayern Munich)
🇪🇸 Luis Enrique (Paris Saint-Germain)
Liiskan ayaa muujinaya awoodda tababarayaasha Isbaanishka, maadaama afar ka mid ah shanta musharrax ay kasoo jeedaan Spain, taasoo ka dhigaysa dalkaas kan ugu badan ee matala tartanka sanadkan.
Be the first to comment