Halyeeygii Liverpool oo jeex jeexay Laacibka ugu muhiimsan Arsenal weerar qaawanna ku qaaday …

Halyeeygii hore ee Liverpool iyo khabiirka kubadda cagta, Graeme Souness, ayaa mar kale dhaliil xooggan u jeediyay xiddiga Arsenal iyo xulka England, Declan Rice, isagoo su’aal geliyay tayadiisa marka loo eego khadadka dhexe ee kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Souness ayaa sheegay in Rice uu inta badan si aad ah ugu soo laabto gadaasha, taasoo uu aaminsan yahay inay ka hor istaageyso inuu si buuxda uga faa’iideysto awooddiisa khadka dhexe.

Souness wuxuu ku dooday in Rice marar badan kubadda ka qaato meel aad ugu dhow labada daafac dhexe, xitaa isagoo mararka qaar dhex gala ama garab istaaga daafacyada, Wuxuu yiri: “Wuxuu u ciyaaraa si aad u hooseysa waana si aan marna ciyaarta saameyn ugu yeelan karin.”

Souness wuxuu qiray in Rice uu yahay khadka dhexe ee difaaca ugu fiican England, isla markaana uu leeyahay awood wanaagsan oo uu ku dareemo khatarta, kubaddana kaga joojiyo weerarka kooxda kasoo horjeeda, Hase yeeshee, wuxuu aaminsan yahay in Rice laga yaabo inuu xitaa daafac dhexe ahaan uga fiicnaan lahaa marka loo eego khadka dhexe.

Souness ayaa sheegay inuusan hubin in Rice uu si fudud boos uga heli lahaa kooxaha waaweyn sida Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City, Wuxuu tusaale u soo qaatay ciyaartoydii khadka dhexe ee Manchester City sida Fernandinho iyo Rodri, isagoo sheegay in labadooduba si dhab ah uga ciyaari jireen khadka dhexe, halka Rice uu marar badan dib ugu laabto safka daafaca.

Souness sidoo kale wuxuu Rice qayb ka mid ah ku eedeeyay dhibaatooyinkii England kasoo gaaray kulankii semi-finalka Koobka Adduunka ee Argentina, Wuxuu sheegay in markii England ay 1-0 ku hoggaaminaysay Argentina, Rice iyo Elliot Anderson ay ku adkaatay inay si wanaagsan u maamulaan khadka dhexe, taasoo keentay inay dib ugu laabtaan meel aad ugu dhow daafaca.

Inkasta oo Souness uu si joogto ah u dhaliilo Rice, haddana xiddiga reer England wuxuu weli yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Arsenal, Rice wuxuu Arsenal u saftay 55 kulan xilli ciyaareedkii hore, isagoo door weyn ku lahaa kooxda, Arsenal ayaa sidoo kale xagaagan khadkeeda dhexe xoojisay, iyadoo la soo wareegtay Bruno Guimarães oo Newcastle United looga soo iibsaday £75 milyan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga