KOOXDA UGU CAD CAD :- Kooxda ku guuleysan doonta Champions League-ga oo lasoo bandhigay

Xilli ciyaareedka cusub ee UEFA Champions League 2026/27 ayaa maanta, Talaadada 8-da Sebtembar, dib u furmaya, iyadoo Arsenal ay gashay tartanka iyadoo loo arko kooxda ugu cadcad inay qaaddo koobka.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa xilli ciyaareedkii hore gaartay finalka Champions League, balse waxay rigoorayaal kaga adkaatay Paris Saint-Germain, kadib ciyaar ku dhammaatay 1-1, Hadda Arsenal waxay doonaysaa inay markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysato koobka Yurub.

Kumbuyuutarka saadaasha ee Opta ayaa sameeyay 10,000 tijaabo oo ku saabsan sida xilli ciyaareedka Champions League u dhammaan karo. Natiijada ayaa Arsenal siisay fursadda ugu badan ee koobka lagu qaadi karo.

Arsenal – 20.9% fursad ay ku qaaddo koobka.
Bayern Munich – 19.4%.
Manchester City – 12.3%.
Barcelona – 8.2%.
PSG – 7.1%.
Liverpool – 6.1%.
Real Madrid – 4.4%.
Manchester United – 3.8%.
Inter Milan – 3.7%.
Aston Villa – 2%.
Arsenal oo doonaysa inay ka gudubto xanuunkii finalka

Arsenal waxay xilli ciyaareedkii hore sameysay rikoor cajiib ah, iyadoo noqotay kooxdii ugu horreysay ee ku guuleysata dhammaan siddeeddii kulan ee League Phase,  Opta waxay sidoo kale si weyn u aaminsan tahay inay mar kale gaari karto wareegyada dambe, Si kastaba, waddada Arsenal ma fududa. Jadwalkooda xilli ciyaareedkan ayaa ka adag kii hore, waxaana ka mid ah kulan ay Bayern Munich ku wajihi doonaan garoonkeeda.

PSG, oo ah kooxda difaacanaysa koobka, ayaa isku dayaysa inay noqoto kooxdii ugu horreysay tan iyo Real Madrid ee ku guuleysata Champions League saddex xilli oo xiriir ah. Laakiin saadaasha Opta ayaa kooxda Faransiiska siisay kaliya 7.1% fursad.

Dhanka kale, Barcelona ayaa heshay 8.2%, taasoo ka dhigaysa inay saadaasha ka sarreyso Real Madrid oo haysata 4.4%. Liverpool-na waxaa loo saadaaliyay 6.1%.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga