Everton ayaa Axadda garoonkeeda Hill Dickinson Stadium ku soo dhaweynaysa Manchester United, kulan ka tirsan toddobaadka 3-aad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, Labada kooxood ayaa kulankan ku imaanaya xaalado kala duwan. Everton weli lama garaacin horyaalka, halka Manchester United ay kulankoodii ugu dambeeyay si weyn u qarxiyeen, iyagoo 5-2 ku garaacay Ipswich Town.
Manchester United ayaa kulankii Ipswich ka soo kabatay bilowgii xumaa ee xilli ciyaareedka, kaddib markii ay 5-2 ku garaacday kooxda martida ahayd, Bruno Fernandes ayaa ahaa xiddigii ugu weynaa kulanka, isagoo dhaliyay hat-trick, halka Jacob Greaves uu gool iska dhaliyay, Bryan Mbeumo-na uu sidoo kale shabaqa soo taabtay.
Fernandes ayaa mar kale muujiyay muhiimadda uu u leeyahay kooxda, iyadoo sii haysashadiisa Manchester United loo arko mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee suuqa kala iibsiga, Tan iyo markii Michael Carrick uu kooxda la wareegay, Manchester United ayaa Premier League ka heshay 42 dhibcood, taasoo ah tirada ugu badan ee koox kasta muddadaas.
Carrick ayaa sidoo kale fursad u haysta inuu noqdo tababaraha lixaad ee Premier League taariikhda oo koox ku hogaamiya 45 dhibcood 20-kii kulan ee ugu horreeyay ee hal waqti uu kooxda maamulo.
Everton ayaa iyaduna si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedka, kooxda David Moyes ayaa kulankeedii ugu horreeyay kaga adkaatay Crystal Palace, waxayna sidoo kale Preston North End kaga adkaatay EFL Cup, ka hor inta aysan Bournemouth la barbar dhigin 1-1.
Everton waxay hadda doonaysaa inay markii labaad oo keliya taariikhdeeda ku guuleysato laba kulan oo Premier League ah oo xiriir ah oo ay ku ciyaarto garoonkeeda cusub, si kastaba, kulankan wuxuu Moyes u yahay mid gaar ah, maadaama Manchester United ay tahay kooxdii uu hore u soo maamulay.
Moyes ayaa Premier League kaga soo guuldarreystay Manchester United 23 jeer isagoo tababare ah, waxaana ka badan oo keliya Harry Redknapp oo laga adkaaday 24 jeer.
Manchester United ayaa kulankan ku waayi doonta dhowr ciyaaryahan, Carlos Baleba oo kooxda kusoo iibsatay £70 milyan, ayaan wali diyaar u ahayn kulankiisii ugu horreeyay, kaddib dhaawac canqowga ah.
Sidoo kale waxaa maqnaanaya:- Manuel Ugarte – dhaawac jilibka ah, Amad Diallo – dhaawac canqowga ah , Matthijs de Ligt – dhaawac dhabarka ah, waxaana la filayaa inuu maqnaado, dhanka kale, Luke Shaw, Mason Mount iyo Tom Heaton ayaa u baahan doona baaritaanno caafimaad oo dambe si loo ogaado haddii ay ciyaari karaan.
Everton ayaa maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga dib ugu soo celisay Merseyside Jack Grealish, kaasoo amaah kaga yimid Manchester City, Grealish ayaa fursad u haysta inuu isla markiiba kusoo bilowdo kulankan.
Everton sidoo kale waxay heshay Ainsley Maitland-Niles, halka Christian Norgaard uu wali la tacaalayo dhaawac aan si rasmi ah loo faahfaahin, Iliman Ndiaye oo £60 milyan ugu wareegay Manchester City ayaa ka tagay Everton, taasoo keeni karta in Brennan Johnson uu ka ciyaaro garabka midig, Dhanka weerarka, Thierno Barry ayaa loo arkaa xulashada ugu weyn kadib bixitaankii Beto iyo fashilka lama filaanka ah ee heshiiskii Folarin Balogun.
📋 Shaxaha la filayo
Everton:
Pickford; O’Brien, Tarkowski, Branthwaite, Mykolenko; Garner, Armstrong; Johnson, Dewsbury-Hall, Grealish; Barry.
Manchester United:
Lammens; Dalot, Maguire, Martinez, Shaw; Mainoo, Tielemans; Mbeumo, Fernandes, Rashford; Cunha.
Bruno Fernandes ayaa sidoo kale raadinaya rikoor cusub, maadaama uu Premier League kaga lug yeeshay 11 gool oo ka dhan ah Everton, tiradaas ayaa ah tan ugu badan ee ciyaaryahan Manchester United ah uu Everton kaga lug yeesho, waxaana uu la wadaagayaa halyeeyadii kooxda Ryan Giggs iyo David Beckham.
Be the first to comment