Haaland oo is eedeeyay kadib guushii manchester city ee coventry & Sidoo kalena lahadlay …..

Manchester City ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Coventry City kulan ka tirsanaa isbuuca 3-aad ee Premier League 2026/27, waxaana goolka kaliya ee ciyaarta dhaliyay xiddiga reer Norway Erling Haaland, Inkasta oo uu Haaland noqday geesiga Manchester City, haddana weeraryahanka ayaa sheegay inuu isagu naftiisa ku eedaynayo fursadihii uu lumiyay.

Haaland ayaa sheegay in ay ahayd inuu kulanka ka dhaliyo dhowr gool oo dheeraad ah, balse uu ku guuldarreystay inuu fursadahaas ka faa’iidaysto, isagoo xusay inuu u baahan yahay inuu si dheeraad ah uga shaqeeyo arrintaas tababarka, Haaland ayaa sidoo kale amaanay Rayan Cherki, isagoo sheegay in muhiim ay tahay inay si fiican isula fahmaan oo ay xiriir wanaagsan ka sameystaan garoonka dhexdiisa.

Wuxuu sidoo kale si gaar ah u ammaanay Enzo Fernández iyo Ndiaye, isagoo tilmaamay in ciyaartoydan cusub ay muujiyeen tayo iyo awood ay kooxda ku caawin karaan, Haaland ayaa xusay in Manchester City ay badisay dhammaan saddexda kulan ee ugu horreeyay Premier League, balse hadda kooxda uu hoggaamiyo tababare Pep Guardiola ay u jeesanayso Champions League, Kadib kulanka Yurub, City waxay wajihi doontaa Manchester United, taasoo noqon doonta kulan weyn oo Manchester Derby ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga