Xabi Alonso oo wajahaya caqabad weyn! Chelsea oo haysata Ciyaariyahanadii ugu badnaa ka hor xilli ciyaareedka cusub

Tababaraha cusub ee Chelsea, Xabi Alonso, ayaa wajahaya mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa tan iyo markii uu yimid Stamford Bridge, iyadoo kooxda ay hadda haysato 46 ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah, tiradaas oo la filayo inay sii kororto haddii saxiixyo kale yimaadaan.

Alonso, oo shaqada la wareegay bishii July, ayaa durba hoggaamiyay saxiixyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Morgan Rogers oo lagu soo iibsaday £117 milyan, iyo sidoo kale Marco Palestra, Danny Welbeck, Maxence Lacroix, iyo Jordan Henderson.

Ciyaartoy badan ayaa weli kooxda ku haray

Inkasta oo Chelsea ay ciyaartoy badan soo iibsatay, haddana waxaa aad u yar kuwii kooxda ka baxay.

Illaa hadda kooxda waxaa si rasmi ah uga tagay:

  • Marc Cucurella, oo ku biiray Real Madrid.
  • Tyrique George, oo si joogto ah ugu wareegay Everton.
  • Amaahna waxaa lagu diray Alejandro Garnacho, Jesse Derry, iyo Kendry Páez.

Taas ayaa ka dhigan in Alonso uu qasban yahay inuu si weyn u dhimo tirada ciyaartoyda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka 2026/27.

Ma soo laaban doontaa “Bomb Squad”-kii Chelsea?

Warbixintu waxay sheegtay in Alonso uu doonayo inuu ka fogaado xaaladdii muranka dhalisay ee xilli ciyaareedkii hore, markaas oo tababarihii hore Enzo Maresca uu sameeyay waxa loo bixiyay “Bomb Squad”.

Kooxdaas waxaa lagu ururiyay ciyaartoydii aan qorshihiisa ku jirin, waxaana:

  • Lagu tababari jiray si ka duwan kooxda koowaad.
  • Loo qoondeeyay qol labis oo gaar ah.

Xiddigo waaweyn oo halis ugu jira bixitaanka

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga