Tababaraha Eddie Howe ayaa si rasmi ah uga tagay shaqadii uu ka hayay Newcastle United, isagoo soo afjaray shan sano oo uu hoggaaminayay kooxda, Howe oo 48 jir ah ayaa kooxda ku biiray sanadkii 2021, xilli Newcastle ay ku jirtay xaalad adag, wuxuuna u horseeday inay u soo baxdo Champions League iyo inay ku guuleysato Carabao Cup-kii 2025, kaasoo ahaa koobkii ugu horreeyay ee kooxda muddo 70 sano ah.
Wararka ayaa sheegaya in Howe uu maamulka Newcastle u sheegay inuu doonayo nasasho uu kaga maqnaado tababarenimada, kadib xilli ciyaareed niyad jab ku dhammaaday oo kooxda ay ku dhammaysatay kaalinta 12-aad ee Premier League, iyadoo sidoo kale si xun looga reebay Champions League.
Dhanka kale, Newcastle ayaa durba billowday qorshaha beddelkiisa, waxaana musharraxa ugu cadcad noqday Matthias Jaissle, oo 38 jir ah, kana ah tababaraha kooxda Al-Ahli ee Sacuudiga. Jaissle ayaa hore ugu guuleystay horyaalka iyo koobka Austria isagoo maamulayay Red Bull Salzburg, halka Al-Ahli uu kula guuleystay koobab qaaradda Aasiya.
Howe ayaa kooxda ka tagaya xilli Newcastle ay sidoo kale lumisay ciyaartoy muhiim ah sida Anthony Gordon iyo Sandro Tonali, iyadoo kabtanka kooxda Bruno Guimarães isna lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqo Arsenal.
Bixitaanka Eddie Howe ayaa noqonaya mid ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee xagaagan, iyadoo Newcastle hadda wajahaysa marxalad cusub oo ay ku dhiseyso kooxdeeda kahor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment