20 ka Xidig ee ugu cajiibsan oo Bilaashka lagula wareegi karo oo lasoo saaray ?

Iyadoo kooxaha Yurub ay sii xoojinayaan diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub, suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa wali waxaa ku sugan ciyaartoy caan ah oo xor ah, kuwaas oo aan weli ku biirin koox cusub.

Sida uu sheegay Transfermarkt, Mohamed Salah ayaa si rasmi ah uga tagay Liverpool kadib 9 sano oo taariikhi ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay kala tagaan.

Xiddiga reer Masar ee 34 jirka ah ayaa haatan soo jiitay xiisaha kooxo ka dhisan Saudi Pro League, MLS-ka Mareykanka, iyo kooxo kale oo Yurub ah, isagoo weli ka fiirsanaya halka uu u wareegi doono.

Salah ayaa kaalinta labaad kaga jira liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan ee suuqa ku jira iyagoo xor ah, waxaana lagu qiimeeyay 22 milyan oo euro.

Liiska waxaa hoggaaminaya weeraryahankii hore ee Juventus Dušan Vlahović, oo lagu qiimeeyay 35 milyan oo euro.

10-ka ciyaaryahan ee ugu qiimaha badan ee xor ka ah suuqa:

  1. Dušan Vlahović – 35 milyan oo euro
  2. Mohamed Salah – 22 milyan oo euro
  3. Jadon Sancho – 18 milyan oo euro
  4. Bamba Dieng – 15 milyan oo euro
  5. Julian Brandt – 15 milyan oo euro
  6. Diogo Leite – 12 milyan oo euro
  7. Franck Kessié – 12 milyan oo euro
  8. Fabinho – 12 milyan oo euro
  9. Leon Goretzka – 12 milyan oo euro
  10. Yves Bissouma – 10 milyan oo euro

Mustaqbalka Mohamed Salah ayaa weli ah mid aan la hubin, iyadoo taageerayaasha kubadda cagta ay sugayaan kooxda uu ku biiri doono xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga