Liverpool oo diyaarinaysa dalabkii ugu horreeyay ee Bradley Barcola

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay maalmaha soo socda gudbin doonto dalabkeedii ugu horreeyay ee ay ku doonayso garabka kooxda Paris Saint-Germain, Bradley Barcola, iyadoo doonaysa inay xoojiso safkeeda weerarka.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, PSG ayaa ku qiimeysay xiddiga reer France lacag dhan £145 milyan, balse Liverpool ma doonayso inay bixiso qiimahaas, waxayna rajaynaysaa in wada-hadallo lagu gaaro heshiis lacag ka hooseysa.

Wararka ayaa sheegaya in Barcola uu diyaar u yahay inuu ku biiro Liverpool, kadib wadahadallo dhex maray wakiilladiisa iyo maamulka Reds toddobaadkii la soo dhaafay. Waxaa sidoo kale la sheegay inuusan dooneyn inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kula sii joogo PSG.

23-jirkan ayaa weli heshiiskiisa uga harsan laba sano, hase yeeshee PSG waxay rumeysan tahay in qiimaha ay dul dhigtay uu waafaqsan yahay da’diisa, tayadiisa iyo xaaladda suuqa kala iibsiga.

Liverpool ayaa muddo dheer la socotay Barcola, iyadoo la rumeysan yahay inuu yahay ciyaaryahan si weyn ugu habboon nidaamka tababare Andoni Iraola, isla markaana laga filayo inuu buuxiyo booskii uu baneeyay Mohamed Salah.

Labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, Barcola wuxuu PSG u saftay qaab cajiib ah, isagoo dhaliyay 34 gool isla markaana bixiyay 28 caawin. Sidoo kale wuxuu xulka France uga qeyb galay dhammaan kulamadii Koobka Adduunka 2026, isagoo dhaliyay 3 gool.

Liverpool ma ahan kooxda keliya ee xiiseyneysa Barcola, waxaana sidoo kale isha ku haya Arsenal, Bayern Munich, halka Chelsea ay hore wax uga weydiisay xaaladdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga