CEEB & FADEEXAD Arsenal oo si fool Xun u xasuuqday Man City kana qaaday koobkii ….

Arsenal ayaa si weyn ugu dabaal degtay guul ay ka gaartay Manchester City kadib markii ay 3-0 kaga adkaatay ciyaartii Community Shield 2026, taasoo loo ciyaaray diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Principality Stadium ayaa Arsenal si degdeg ah u maamushay, waxaana goolka furitaanka daqiiqaddii koowaad dhaliyay Riccardo Calafiori, kaasoo kubad uu si fiican u helay ku hubsaday shabaqa Manchester City.

Arsenal ayaa sii waday cadaadiskeeda, waxaana daqiiqaddii 29-aad Kai Havertz uu madax ku dhaliyay goolka labaad, taasoo City gelisay xaalad adag, Manchester City ayaa ku adkaatay inay jawaab degdeg ah ka bixiso labada gool ee looga hormaray, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay Arsenal oo 2-0 ku hoggaamineysa.

Bilowgii qeybtii labaad ayay Arsenal mar kale heshay fursad ay ciyaarta ku sii xoojiso, waxaana daqiiqaddii 48-aad Martin Ødegaard uu dhaliyay goolka saddexaad kadib markii uu kaligiis wajahay goolka, si qurux badanna uga dul-maray goolhaye Gianluigi Donnarumma, ka hor inta uusan kubadda shabaqa ku ridin.

Manchester City ayaa isku dayday inay wax ka beddesho ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 53-aad garoonka lagu soo geliyay Omar Marmoush kadib markii laga saaray Erling Haaland,  Si kastaba, Marmoush wuxuu ku guuldarreystay inuu sameeyo saameyn muuqata oo weerarka ah, halka City ay awoodi weyday inay wax gool ah ka dhaliso Arsenal.

Ugu dambeyn, Arsenal ayaa 3-0 ku garaacday Manchester City, waxayna sidaas ku qaaday Community Shield 2026,  Guushan ayaa Arsenal siisay bilow wanaagsan oo ay ugu diyaar garowdo xilli ciyaareedka cusub, halka Manchester City ay wajahday su’aalo badan oo ku saabsan qaab ciyaareedkeeda, gaar ahaan difaaca iyo awoodda ay ku abuuri karto fursado weerar.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga