Messi & Kooxdiisa oo Xalay si fool xun loo xasuuqday & Leo oo xalay garoonka kuwareeray !

Inter Miami ayaa la kulantay guuldarro aad u culus oo 4-1 ah, iyadoo Nashville SC ay si awood leh uga adkaatay kooxda Lionel Messi kulan ka tirsanaa horyaalka MLS.

Messi ayaa markale kusoo bilowday safka hore kadib maqnaanshihiisii koobnaa, balse kulankiisa soo laabashada ah ma uusan noqon mid loo riyaaqo, Nashville ayaa goolka koowaad dhalisay daqiiqaddii 16-aad, waxaana u dhaliyay Andy Najar, halka Messi uu daqiiqaddii 23-aad qasaariyay rigoore fursad weyn u ahaa Inter Miami inay ciyaarta kusoo laabato.

Si kastaba, Inter Miami ayaa qeybtii hore barbaraha gaartay, waxaana goolka u dhaliyay Telasco Segovia kadib caawinta Messi, Laakiin qeybtii labaad ayaa Nashville si buuxda ciyaarta ula wareegtay, waxaana Hany Mukhtar uu daqiiqaddii 48-aad dhaliyay goolka labaad, ka hor inta uusan Sam Surridge siddeed daqiiqo kadib ku darin goolka saddexaad.

Mukhtar ayaa markale shabaqa gaaray daqiiqaddii 62-aad, isagoo ciyaarta ka dhigay 4-1, iyadoo qalad weyn oo ka yimid goolhayaha Inter Miami uu qeyb ka noqday goolka afraad.

Guuldarradan waxay soo afjartay toddobo kulan oo xiriir ah oo Inter Miami aysan MLS ku lumin, halka Nashville ay sii xoojsatay hoggaankeeda horyaalka.

Nashville ayaa hadda leh 43 dhibcood, halka Inter Miami ay ku jirto kaalinta labaad iyadoo leh 38 dhibcood, Messi-na wuxuu kulanka ku dhammeystay rigoore uu qasaariyay iyo hal caawin, taasoo ka dhigtay habeen adag isaga iyo kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga