Micah Richards Oo Magacaabay Xulka Keliya Ee England Ka Cabsanayso Koobka Adduunka

Daaficii hore ee xulka England, Micah Richards, ayaa aaminsan in France ay tahay xulka keliya ee England ay tahay inay ka taxaddarto marka la joogo Koobka Adduunka.

Richards ayaa hadalkan sheegay kadib markii England ay 3-2 kaga adkaatay Mexico wareegga 16-ka Koobka Adduunka, taasoo u suurtagelisay inay u gudubto wareegga siddeedda kooxood (Quarter-finals).

Kulankaas, Jude Bellingham ayaa dhaliyay laba gool, halka Harry Kane uu raaciyay hal gool, iyagoo England u horseeday guul muhiim ah oo ay ka gaareen dalka martigelinaya tartanka.

Isagoo ka hadlayay guusha England, Richards ayaa yiri:

“Waxaan u maleynayaa in xulka keliya ee runtii i walwal geliya uu yahay France. Waa xul aad u firfircoon oo khatar badan.”

Wuxuu intaas ku daray:

“Wax jiray qaab ciyaareedkii maanta oo i soo jiitay. Waxaa ka muuqatay ruux dagaal, go’aan adag iyo isku duubni, waana waxa aan ugu jeclaaday ciyaartooda maanta.”

England ayaa haatan wajahaysa Norway kulanka wareegga siddeedda, iyadoo labada xul ay ku tartami doonaan booska afar dhammaadka (Semi-finalka) maalmaha soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga