Lix ka mid ah 10-ka xul ee Afrika ee ka qaybgalaya Koobka Adduunka 2026 ayaa si rasmi ah ugu soo baxay Wareegga 32-ka.
Xulalka Cape Verde iyo Ghana ayaa xaqiijiyay u soo bixitaankooda kadib kulamadii la ciyaaray Sabtidii.
Inkasta oo Ghana national football team aysan weli ciyaarin kulankeedii ugu dambeeyay ee guruubka oo ay la leedahay Croatia, haddana guushii ay Spain national football team 1-0 kaga adkaatay Uruguay national football team ayaa xaqiijisay inay u soo baxeen wareegga xiga.
Dhanka Cape Verde, saddexdoodii barbaro ee xiriirka ahaa ee tartankan ayaa u suurtageliyay inay ku dhammeystaan kaalinta labaad ee guruubkooda, iyagoo ka dambeeyay Spain.
Waxay ku biireen xulalka Egypt , Morocco, South Africa iyo Ivory Coast oo hore ugu soo baxay Wareegga 32-ka.
Tunisia ayaa si rasmi ah uga hartay tartanka, halka Senegal , Algeria iyo DR Congo ay weli sugayaan inay ka mid noqdaan xulalka kaalmaha saddexaad ugu fiican ee u gudbi doona Wareegga 32-ka.
Be the first to comment