Jose Mourinho: Waxan Rabaa In Ciyaartoyda Real Madrid Ka Hadhaan Koobka Adduunka, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha kooxda José Mourinho ee Real Madrid, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in ciyaartoyda kooxdiisa ay ka haraan Koobka Adduunka 2026, si ay ula soo laabtaan kooxda ugana qayb qaataan diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.

Mourinho ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka BeastModeOn Podcast.

Real Madrid waxaa Koobka Adduunka uga qaybgalaya ciyaartoy badan oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappé, Vinícius Júnior, Aurélien Tchouaméni, Antonio Rüdiger iyo Marc Cucurella.

Maadaama inta badan ciyaartoydan la filayo inay gaaraan heerarka dambe ee tartanka, Mourinho wuxuu sheegay in taasi ay yareyn karto waqtiga uu kula shaqeyn karo xilli ciyaareedka ka hor.

Mourinho ayaa yiri:

“Waxa aan ka rajeynayo Koobka Adduunka? Waxaan rabaa in ciyaartoyda Real Madrid ay ka haraan tartanka.

“Sababtoo ah waxaan doonayaa inay dib iigu soo laabtaan bisha Luulyo si aan ula bilaabo diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga