Zlatan Ibrahimović Oo Magacaabay Xulka Uu Taageerayo Koobka Adduunka Marka Laga Soo Tago Sweden.

Halyeeygii hore ee xulka Sweden, Zlatan Ibrahimović, ayaa sheegay in xulka uu taageerayo Koobka Adduunka 2026 marka laga reebo dalkiisa uu yahay Croatia.

Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyay Fox Sports, isagoo sidoo kale tilmaamay in Group L uu yahay kooxda (group-ka) ugu xiisaha badan ee uu jecel yahay tartanka.

Ibrahimović ayaa yiri:

“Group L. Waxaa ku jira England. Waxaa ku jira Croatia. Waxaan taageerayaa Croatia tartankan”

“Kadibna waxaa jira Ghana oo leh ciyaartoy tayo badan. Aan aragno waxa ay soo bandhigaan”

“Waxaa sidoo kale jira Panama”

“Nasiib darro, waxaan u malaynayaa in group-kan Panama ay noqon doonto kooxda lagu awood sheegto ee England iyo Croatia, halka Ghana ay dhibaato u keeni karto oo ay dhibco ka qaadan karto.”

Group L waxaa ku wada jira xulalka:

  • England
  • Croatia
  • Ghana
  • Panama

Sida uu Zlatan sheegay, wuxuu u arkaa England iyo Croatia inay yihiin labada xul ee ugu awoodda badan group-kan, halka Ghana ay noqon karto kooxda lama filaanka ah ee dhibco ka qaadata kooxaha waaweyn.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga