Liverpool Oo Bar-baro Ku Macasalaamaysay Salah Iyo Robertson.

Kooxda Liverpool ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Brentford kulan ka tirsanaa wareegga 38-aad ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 58-aad kadib gool uu dhaliyay Curtis Jones oo caawin ka helay Mohamed Salah, halka Kevin Schade uu Brentford u dhaliyay goolka barbaraha daqiiqaddii 64-aad.

Natiijadan ayaa Liverpool ka dhigtay inay xilli ciyaareedka ku dhamaysato kaalinta shanaad iyadoo leh 60 dhibcood, taasoo si rasmi ah ugu xaqiijisay ka qaybgalka tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Dhanka kale, Brentford ayaa kusoo dhamaysatay kaalinta sagaalaad iyadoo leh 53 dhibcood.

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa mid lagu sagootinayay xiddiga reer Masar Mohamed Salah iyo daafaca Andrew Robertson, kuwaas oo la filayo inay ka tagaan Liverpool xagaagan kadib safar ay ku gaareen guulo badan oo gudaha iyo Yurub ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga