Arsenal Oo Guul Ugu Dabaal-dagtay Ku Guulaysiga Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guul 2-1 ah ka gaartay Crystal Palace kulan ka tirsanaa wareegga 38-aad ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League.

Goolka koowaad ayaa yimid daqiiqaddii 42-aad kadib markii Gabriel Jesus uu shabaqa soo taabtay, halka Noni Madueke uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 48-aad, taasoo Arsenal siisay hoggaan muhiim ah ciyaarta.

Crystal Palace ayaa dhalisay gool yaraynta farqiga daqiiqaddii 89-aad waxaana u saxiixay Jean-Philippe Mateta, balse goolkaasi wuxuu yimid xilli dambe mana uusan beddelin natiijada ciyaarta.

Guushan ayaa Arsenal ka dhigtay inay xilli ciyaareedka ku dhamaysato kaalinta koowaad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 85 dhibcood.

Dhanka kale, Crystal Palace ayaa kusoo dhamaysatay kaalinta 15-aad iyadoo leh 45 dhibcood.

Arsenal ayaa hore loogu caleemo saaray horyaalka Premier League kadib markii Manchester City ay barbaro la gashay AFC Bournemouth wareeggii ka horeeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga