Kooxda Manchester City ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay Aston Villa kulan ka tirsanaa wareegga 38-aad ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 23-aad kadib gool uu dhaliyay Antoine Semenyo, balse Aston Villa ayaa barbareysay daqiiqaddii 47-aad iyadoo uu goolka dhaliyay Ollie Watkins, kaas oo markale shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 63-aad si uu guusha u siiyo kooxdiisa.
Guushan ayaa Aston Villa ka dhigtay inay xilli ciyaareedka ku dhamaysato kaalinta afraad iyagoo leh 65 dhibcood, halka Manchester City ay kusoo dhamaysatay kaalinta labaad iyadoo leh 78 dhibcood.
Labada kooxoodba waxay xaqiijiyeen u soo bixitaanka tartanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda.
Kulankan ayaa sidoo kale ahaa kii ugu dambeeyay ee tababare Pep Guardiola uu hoggaamiyo Manchester City, taasoo soo afjaraysa 10 sano oo uu kooxda maamulayay.
Dhinaca kale Kooxda Chelsea ayaa guuldaro Kala kulantay Kooxda Sunderland.
Be the first to comment