Kooxda Chelsea ayaa si Rasmi ah heshiis ula gaadhay tababare Xabi Alonso si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda.
Xabi Alonso ayaa bilaa shaqo ahaa tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Real Madrid bishii January ee Sanadkan.
Chelsea ayaa dar-dar galisay wadahadalada ay ku doonaysay tababare Alonso si ay uga hor tagaan suurtagalka ay Liverpool ku dooni karto.
Haatan wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Alonso Ogolaaday in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Chelsea.
Alonso ayaa shaqadiisa kooxda bilaabi doona xagaaga isaga oo isku diyaarin doona xilli ciyaareedka dambe.
Be the first to comment