Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa shir jaraa’id ku beeniyay wararkii dhawaan soo baxay ee sheegayay inuu xiriir la sameeyay kooxda Real Madrid si uu ula wareego tababarka kooxda, isla markaana uu shuruudo ku xiray oggolaanshaha inuu dib ugu laabto kooxda boqortooyada.
Tababaraha ayaa yiri: “Dunida kubadda cagta, ma aha xirfadlayaasha kuwa daneynaya inay meel tagaan ama aysan tagin, kuwa doonaya inay saxiixaan ciyaaryahan ama tababare waa kooxaha xiiseynaya, kooxahana ayaa bilaaba habraacyada ay ku doonayaan dadka ay rabaan.”
Wuxuu intaas ku daray: “Weli waxay ka hadlayaan Real Madrid aniguna waan ka leexanayaa arrintaas, laakiin si daacadnimo buuxda leh ayaan uga leexanayaa; waligey lama aanan xiriirin Real Madrid, mana la aanan xiriirin madaxweynaha ama qof ka tirsan maamulka kooxda.”
Wuxuu sii watay: “Aniga ahaan, waxaan sameeyay go’aanno la mid ah xaalado badan oo xirfaddeyda ah, halkaas oo aanan cidna la hadli karin gaar ahaan iyadoo dhammaadka xilli ciyaareedku soo dhow yahay.”
Wuxuu carrabka ku adkeeyay: “Wax xiriir ah lama aanan yeelan Real Madrid, waligeedna ma dhicin, ilaa kulanka ugu dambeeya ee horyaalka ee Estoril ka dhacayana wax xiriir ah ma jiri doono.”
Ugu dambeyn wuxuu yiri: “Marka xilli ciyaareedku dhammaado kadib, waxaan heli doonaa toddobaad aan kula hadlo cidda aan u arko inaan la hadlo, laakiin dhammaan sheekooyinka laga qoray shuruudahayga iyo in kulamo jiraan iyo wixii la mid ah waa mala-awaal keliya.”
Be the first to comment