Kooxda Arsenal ayaa hal tallaabo u sii dhawaatay hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay West Ham kulankii wareegga 36-aad ee tartanka, kaas oo ka dhacay garoonka London Olympic Stadium.
Arsenal ayaa dhibcaheeda ka dhigtay 79 dhibcood iyadoo hoggaanka horyaalka ku sii adkaysatay, isla markaana si ku meel gaar ah 5 dhibcood uga sarreysa Manchester City oo wali leh kulan dib u dhacay oo ay la ciyaari doonto Crystal Palace. Dhanka kale, West Ham ayaa ku hartay 36 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta 18-aad.
Arsenal ayaa si weyn u maamuleysay ciyaarta qeybtii hore, iyagoo sameeyay fursado halis ah oo dhowr ah, balse difaaca iyo goolhayaha kooxda martida loo ahaa ayaa ka hor istaagay inay shabaqa soo taabtaan.
Dhanka kale, West Ham ayaa ku sigatay inay hoggaanka qabato daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta hore kadib markii mid ka mid ah ciyaartoydeeda uu madax xooggan ku dhuftay kubad karoos ahayd, laakiin goolhaye David Raya ayaa si cajiib ah u badbaadiyay goolkiisa.
Qeybtii labaad, West Ham ayaa dib ugu laabatay difaacooda, halka Arsenal ay ku dhibtootay inay jebiso safka dambe ee kooxda martida loo ahaa inkastoo ay si joogto ah kubadda u haysatay isla markaana weerarro badan qaaday.
Raya ayaa sii watay bandhiggiisa wanaagsan kadib markii uu badbaadiyay fursad gool oo cad daqiiqaddii 77-aad oo uu helay Matheus Fernandes.
Ugu dambeyn, Leandro Trossard ayaa daqiiqaddii 82-aad dhaliyay goolka guusha ee Arsenal kadib kubad uu gudaha xerada ganaaxa kaga toogtay, taas oo uu baas qurux badan ka helay Martin Ødegaard.
Wilson ayaa ku sigtay inuu dhaliyo goolka barbaraha daqiiqaddii 90+4, laakiin Gabriel ayaa kubaddiisa u saaray koorno. Koornaas ayay West Ham ku dhalisay gool, balse garsooraha ayaa diiday kadib markii uu la tashaday VAR, iyadoo lagu helay qalad laga galay David Raya.
Be the first to comment