Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Man United.

Liverpool ayaa laga yaabaa inay weli waayaan goolhayahooda koowaad Alisson Becker kulanka ay la ciyaarayaan Manchester United toddobaadkan, halka Mohamed Salah uu si rasmi ah uga maqnaan doono.

Alisson, oo ah goolhayaha koowaad, ma uusan ciyaarin tan iyo guushii 4-0 ee UEFA Champions League wareegga 16-ka lugta labaad ee ay ka gaareen Galatasaray 18-kii March, isagoo ka maqnaa toddobadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan sababo la xiriira dhaawac muruqa dambe (hamstring) ah.

Goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker ayaa toddobaadkii hore ku soo laabtay tababarka garoonka, waxaana Arne Slot uu sheegay inuu ku dhowaa inuu ciyaaro kulankii Crystal Palace, balse ugu dambayn kama uusan qaybgelin guushii 3-1 ee ka dhacday Anfield.

Markii uu ka hadlay shirkiisa jaraa’id ka hor kulanka Manchester United subaxnimadii Jimcaha, tababaraha Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in Alisson uusan weli si buuxda ugu soo laaban tababarka kooxda.

Goolhayaha labaad ee Giorgi Mamardashvili ayaa sidoo kale maqnaan doona dhowr toddobaad kadib markii lagu qaaday sariir  isagoo qaba dhaawac halis ah oo jilibka ah kulankii derbiga Merseyside.

Taasi waxay keentay in goolhayaha saddexaad Freddie Woodman uu sameeyo kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League ee Liverpool usbuucii hore, isagoo si fiican uga dhex muuqday kulankii uu la ciyaaray kooxda uu ku soo barbaaray ee Crystal Palace, halkaas oo uu sameeyay dhowr badbaadin oo fiican—oo ay ku jirto mid ka horreysay goolkii Andy Robertson.

Arne Slot wax dhibaato ah kama qabin inuu mar kale ku bilaabo Woodman—oo uu ka dambeeyay da’yarka Armin Pecsi—kulanka weyn ee ay la ciyaarayaan xafiiltanka adag Manchester United ee Old Trafford. Si kastaba ha ahaatee, Alisson ayaa si toos ah ugu soo laaban doona safka haddii uu cadeeyo inuu taam yahay waqtigaas.

Ciyaaryahan hubaal ka maqnaan doona kulanka waa Mohamed Salah, kaasoo la saaray saacad kadib kulankii Crystal Palace sababo la xiriira dhaawac muruqa dambe ah, iyadoo laga cabsi qabay in laga yaabo inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Liverpool maadaama uu qorsheynayo inuu si xor ah uga tago xagaagan, iyadoo afar kulan oo keliya uga harsan yihiin xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa Arbacadii xaqiijisay in dhaawaca xiddiga Masaarida ah uu yahay mid fudud, isla markaana la filayo inuu mar kale ciyaaro ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka.

Hugo Ekitike ayaa muddo dheer maqnaan doona, wuxuuna seegi doonaa Koobka Adduunka kadib markii qalliin looga sameeyay seedda oo dillaacday, dhaawac uu ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen Paris Saint-Germain ee UEFA Champions League horaantii bishan.

Sidoo kale, Conor Bradley iyo Giovanni Leoni ayaa wali aan la heli karin.

Wataru Endo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kadib dhaawac canqowga ah oo ka maqnaa tan iyo bishii February, waxaana la filayaa inuu mar kale ciyaaro xilli ciyaareedkan—sida Mohamed Salah—laakiin soo laabashadiisu ma noqon doonto usbuucan.

Curtis Jones ayaa si fiican uga ciyaaray daafaca midig ee Liverpool waqtiyadii dambe, balse Joe Gomez ayaa kursiga keydka ka soo galay kulankii Crystal Palace waxaana suuragal ah inuu kulankan ku soo bilowdo. Sidoo kale, Jeremie Frimpong ayaa isna taam ah.

Andy Robertson ayaa mar kale wacdaro dhigay isagoo gool dhaliyay, waxaana suuragal ah inuu sii ahaado daafaca bidix ee koowaad, iyadoo Milos Kerkez lagu hayn karo kursiga keydka, gaar ahaan maadaama uu dhawaan la tacaalayay dhaawac yar.

Difaaca dhexe, Ibrahima Konate iyo kabtanka Virgil van Dijk ayaa sii wadi doona inay noqdaan labada daafac ee dhexe.

Ryan Gravenberch ayaa helay nasasho qiyaastii 80 daqiiqo kulankii ay ka badiyeen Crystal Palace, balse waxaa la filayaa inuu ku soo laabto kulanka Manchester United si uu mar kale ula sameeyo iskaashi khadka dhexe Alexis Mac Allister, kaasoo isna helay nasasho kulankii Everton.

Shaxda Ay Liverpool kaga Hor Tagi karto Man United:

Woodman; Jones, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Szoboszlai, Wirtz, Gakpo; Isak

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga