Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysanaysa Premier League.

Weeraryahankii hore ee Newcastle United, Alan Shearer, ayaa weli aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League.

Shearer ayaa hadalkan sheegay kadib markii Arsenal 1-0 ku garaacday kooxdiisii hore Sabtidii.

Eberechi Eze ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta qeybtii hore.

Ciyaartu waxay ahayd mid adag oo ka dhacday garoonka Emirates Stadium, iyadoo Arsenal ay saddex dhibcood ka hormartay Manchester City, oo weli hal kulan u dhiman yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Shearer wuxuu wali ku kalsoon yahay in Arsenal ay noqon doonto horyaalka xilli ciyaareedkan.

Wuxuu yiri:“Waxaan idiin sheegayaa, wali waxaan aaminsanahay in Arsenal ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League, qof kasta oo u maleynaya in tartanku dhammaaday sababta wixii ka dhacay Etihad waa qalad weyn”

“Waxa iiga yaabiyay waa Arsenal lafteeda. Eega maanta sida ay ula ciyaareen annaga (Newcastle United)”

“Dad badan ayaa shaki geliyay, waxay su’aal ka keeneen maskaxdooda, waxayna yiraahdeen cadaadiska ayaa saameeyay, laakiin waxay uga jawaabeen si sax ah sida koox u tartameysa horyaalka. Tamarta, xoogga, rabitaanka—wax walba way muujiyeen. Ma aysan u oggolaan Newcastle inay xitaa hal ilbiriqsi nasto.

“Taas waxay ii sheegaysaa wax walba oo aan u baahanahay inaan ogaado. Maskax ahaan, wali way diyaar yihiin.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga