Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in ay shaqada ka caydhisay tababare Liam Rosenior.
Madaxda Blues ayaa wadahadalo xasaasi ah yeeshay saacadihii ugu dambeeyay si xal looga gaadho xaalada kooxda.
Chelsea ayaa ku jirta xilli ciyaareed adag tan ilaa markii loo magacaabay tababare Liam Rosenior.
Blues ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Brighton Habeenkii salaasada iyada oo taasi xaalka ku xumaysay kooxda.
Haatan kooxda xaqiijisay in ay shaqada ka caydhisay tababaraha 41 sano jirka ah kadib guuldaradii Brighton.
Kooxda ayaa xaqiijisay in Calum McFarlane noqon doono tababaraha ku meel gaadhka ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Be the first to comment