Paul Merson Oo Magacaabay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Cole Palmer

Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa sheegay in Cole Palmer uu ku biiri karo Manchester United haddii Chelsea ay ku guuldareysato inay u soo baxdo UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Rajada Chelsea ee ka qeybgalka tartanka ugu sarreeya Yurub ayaa si weyn hoos ugu dhacday kadib guuldarro culus oo 3-0 ah oo ay kala kulmeen Brighton & Hove Albion Talaadadii.

Blues ayaa hadda ku jira kaalinta toddobaad, iyadoo afar kulan oo keliya ay u harsan yihiin. Si ay u helaan fursad ay ku galaan shanta sare, waa inay guuleystaan dhammaan kulamadaas.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, Merson wuxuu yiri:“Inaan la ciyaarin UEFA Champions League waxay noqon doontaa dharbaaxo weyn oo ku dhacda Chelsea”

“Ma u maleyneysaa in Cole Palmer uu sii joogi doono Chelsea isagoo ka ciyaaraya UEFA Europa Conference League? Anigu sidaas uma maleynayo”

“Manchester United waxay geli doontaa Champions League, mana la yaabi doono haddii uu halkaas ka ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga