Arsenal Mise Man City? Patrice Evra Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United, Patrice Evra, ayaa sheegay in Arsenal aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Evra ayaa aaminsan in kooxda Gunners ay “burburi doonaan” tartanka horyaalka marka ay la loolamayaan Manchester City.

Markii uu ka hadlayay barnaamijka Rio Ferdinand Presents, Evra wuxuu carrabka ku adkeeyay in Arsenal mar kale ka harayaan ku guuleysiga horyaalka, kaddib guuldarradii 2-1 ee ay kala kulmeen Manchester City Axaddii.

Ilaa hadda xilli ciyaareedka, kooxda ka dhisan waqooyiga London waxay horyaalka hoggaaminaysay 207 maalmood, balse hadda waxay u muuqataa inay lumin karto booskaas, maadaama farqiga dhibcaha uu hoos ugu dhacay 3 dhibcood, halka Manchester City ay weli hal kulan gacanta ku hayso.

“Taasi waa sababta aan u leeyahay ma arko Arsenal… saddexda kulan ee ugu dambeeya way burburi doonaan,” ayuu yiri Evra.

Wuxuu sii raaciyay: “Ma arko shaqsiyad ku filan kooxda si ay u maareeyaan cadaadiska. Taasi waa aragtidayda. Sidaan sheegay, waan qaldami karaa; dadku waxay oran karaan waan necbahay Arsenal, laakiin City way sii socon doonaan”

“Waxay muujiyeen inay ka fiican yihiin Arsenal, mar kale ayayna caddeyn doonaan.”

Haddii Gunners ay ku guuldareystaan inay soo afjaraan abaartooda 22-ka sano ee horyaalka, waxay noqon doontaa sanadkii afraad oo xiriir ah oo ay ku dhowaadaan balse aysan qaadin koobka Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga