Tartanka Gooldhalinta Tartanka Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraya

Weeraryahanka Harry Kane ee kooxda Bayern Munich ayaa haatan hoggaaminaya liiska gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya Yurub ee horyaallada kala duwan, kaddib ciyaarihii usbuuca dhammaaday.

Ciyaaryahanka reer England ayaa hoggaanka ku haya 32 gool oo uu dhaliyay 27 kulan oo uu u saftay Bayern Munich, kaddib markii uu gool dhaliyay kulankii ay 4-2 kaga adkaadeen VfB Stuttgart Axaddii.

Kane waxaa ku xiga weeraryahanka Benfica, Luis Suarez oo kaalinta labaad ku jira isagoo leh 24 gool, halka Kylian Mbappe uu ku jiro kaalinta saddexaad isagoo u dhaliyay 23 gool Real Madrid.

Ayase Ueda ayaa sidoo kale leh 23 gool oo uu u dhaliyay Feyenoord, halka weeraryahanka Erling Haaland uu u kacay kaalinta shanaad isagoo leh 23 gool, kaddib markii uu goolkii guusha u dhaliyay Manchester City kulankii ay la ciyaareen Arsenal.

Paul Onuachu ayaa xiga isagoo leh 22 gool oo uu u dhaliyay Trabzonspor, halka Vangelis Pavlidis (Benfica), Vedat Muriqi (Mallorca) iyo Igor Thiago (Brentford) ay dhammaantood leeyihiin 21 gool.

Ugu dambayn, Yanis Begraoui ee Estoril Praia ayaa buuxinaya 10-ka sare isagoo leh 19 gool, iyadoo tartanka gooldhaliyeyaasha Yurub uu sii ahaanayo mid aad u xiiso badan toddobaadyada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga