Ka dib guushii 2-1 ee Manchester City ay ka gaareen Arsenal kulankii Axadda ee ka dhacay Etihad Stadium, halyeeyo hore oo kubadda cagta ah ayaa saadaaliyay cidda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League.
Gary Neville (daafac hore oo Manchester United ah) iyo Micah Richards (daafac hore oo Man City ah) ayaa labaduba taageeray Manchester City inay qaadaan horyaalka.
Neville ayaa yiri:
“Uma maleynayo in labada koox (Arsenal iyo Man City) ay wada guuleysan doonaan dhammaan kulamada haray. Waxaan u arkaa in Man City ay hadda leeyihiin faa’iido aad u weyn.
“Sabtida soo socota (kulanka Newcastle) khatar badan ayuu u leeyahay Arsenal.
“Cadaadiskaas wuu sii jiri doonaa, Arsenal-na waa inay la tacaalaan oo ka gudbaan.
“Markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan, waxaan leeyahay (horyaalka) waxa ku guulaysan Doonta man City.”
Dhankiisa, Richards ayaa isna yiri:“Mar walba waxaan iri haddii Man City ay guuleysato kulankan, waxay siin doontaa dardar”
“Arsenal maanta si fiican ayay u ciyaareen, laakiin Man City ayaa si dirqi ah uga adkaatay”
“Waxaan iri: haddii Man City ay kulankan guuleysato, waxay ku guuleysanayaan horyaalka.”
Be the first to comment