Manchester City waxay gaartay guul muhiim ah oo qiimo weyn leh kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Arsenal ciyaar ka tirsan wareegga 33-aad ee horyaalka Ingiriiska (Premier League), taas oo ka dhacday garoonka Etihad Stadium.
Manchester City ayaa hoggaanka qabatay goolka uu dhaliyay Rayan Cherki, kaas oo kubad ka helay Nunez, kadibna galay gudaha xerada ganaaxa, ka baxay difaaca Arsenal, islamarkaana si qurux badan shabaqa u taabtay daqiiqaddii 16-aad.
Daqiiqaddii 18-aad, Arsenal ayaa heshay goolka barbaraha kadib markii kubad uu bixiyay ciyaaryahan City ah ay gaartay Donnarumma, kaas oo isku dayay inuu iska saaro, balse kubadda ayaa ku dhacday Kai Havertz waxayna si toos ah ugu dhacday shabaqa oo madhan.
Manchester City ayaa markale heshay goolka guusha waxaana u dhaliyay Erling Haaland, kadib markii kubad ay gaartay O’Reilly oo soo bixiyay karoos, Haaland-na si xirfad leh u dhaliyay.
Natiijadan kadib, Arsenal waxay ku hartay 70 dhibcood iyadoo wali hoggaanka horyaalka haysa, halka Manchester City ay gaartay 67 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta labaad, iyadoo weli haysata hal kulan oo baaqi ah oo ay la ciyaari doonto Burnley.
Be the first to comment