Mikel Arteta Oo Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Seegi Doona Kulanka Man City.

Maareeyaha kooxda Arsenal FC, Mikel Arteta, ayaa shaaca ka qaaday in Bukayo Saka uusan diyaar u noqon doonin safarka Premier League ee ay ku wajahayaan Manchester City Axadda.

Saka ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii Gunners laga adkaaday 2-0 kulankii Carabao Cup ee dhacay 22-ka Maarso.

Weeraryahanka 24-jirka ah weli kama soo kaban dhaawac looga shakisan yahay inuu ka qabo seedaha achilles-ka, sidaas darteedna ma ciyaari doono kulanka ay la leeyihiin City toddobaadkan.

Mikel Merino isaguna wali ma soo laaban doono kadib jab lugta ah, inkastoo uusan hadda xirnayn kabtii ilaalinta.

“Bukayo wuu maqan yahay, taas waa hubaal,” ayuu Mikel Arteta u sheegay wariyeyaasha Jimcihii.

“Bukayo, waxaan u maareyneynaa si aan marka hore u ilaalino ciyaaryahanka, kadibna uu ugu soo laabto si uu u ciyaaro sida ugu wanaagsan ee uu karo”

“Wuxuu hadda bilaabay waxyaabo yar yar oo tababar ah, marka aan aragno horumarka, sida uu u degdegayo, kadibna waan sugi doonnaa. Laakiin waqtigan xaadirka ah diyaar ma aha”

“Bukayo wuu maqan yahay, taas waa hubaal, Mikel-na sidoo kale wuu maqan yahay”

“Wax kasta oo dhaca, xal baan heli doonaa. Xilli ciyaareedkan aad ayaan ula qabsanay arrimahan. Wax kasta oo dhaca, xal sax ah ayaan heli doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga