Arne Slot Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League.

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay in Paris Saint-Germain ay fursad weyn u leedahay inay ku guuleysato UEFA Champions League.

Slot ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Liverpool looga adkaaday 2-0 lugtii labaad ee quarter-finalka Champions League oo lagu ciyaaray Anfield habeenkii Talaadada.

Xusuusin ahaan, labo gool oo uu dhaliyay Ousmane Dembele ayaa PSG u xaqiijiyay inay ka reebaan Liverpool tartanka, iyagoo ku badiyay 4-0 wadarta guud, kadib markii ay 2-0 ku badisay lugtii hore ee Paris usbuucii hore.

Slot ayaa yiri:“Usbuucii hore waxaan helnay wax ka badan intii aan mudnayn annagoo kaliya looga badiyay 2-0. Waxa kale oo la mid ah xilli ciyaareedkii hore waa inaan gurigeena ku helnay wax ka yar intii aan mudnayn”

“Waan guuleysan lahayn. Tayada PSG ayaa ah inay ka hortagaan fursadaha aan helnay, sidoo kale dhammeystirka Ousmane Dembele ayaa kuu sheegaya sababta uu ugu guuleystay (2025) Ballon d’Or iyo sababta Paris (PSG) ay u qaaday Champions League xilli ciyaareedkii hore isla markaana ay mar kale u haystaan fursad wanaagsan inay ku guuleystaan.”

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay xilli ciyaareedkan ku dhammaan doonto iyagoo aan wax koob ah qaadin, maadaama ay ka hareen tartanka horyaalka Premier League iyo sidoo kale FA Cup.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga