Manchester City Mise Sporting Lisbon? Alvaro Arbeloa Oo Saadaaliyay Kooxda Ay Real Madrid Ku Aadi Doonto Wareega 16-ka UCL.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Alvaro Arbeloa ayaa saadaaliyay kooxda ay Real Madrid ku aadi doonto wareega 16-ka champions League.

Real Madrid ayaa ka badisay kooxda Benfica si ay ugu gudubto wareega 16-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Haatan Los Blancos ayaa sugaysa isku aadka la samayn doono maalinta jimcaha si loo ogaado kooxaha wada ciyaari doona wareega xiga ee tartanka.

Tababare Alvaro Arbeloa ayaa la waydiiyay kooxda ay kooxdiisu ku aadi doonto wareega 16-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Alvaro Arbeloa ayaa ku jawaabay”Waxa aan ku aadi doonaa Man City shaki la’aan”

“Sidan waxa ay dhacday 7-dii sano ee ugu dambaysay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga