Theo Walcott Oo Shaaciyay Kulanka Go’aamin Kara Tartanka Premier League Xilli Ciyaareedka.

Weeraryahankii hore ee Arsenal, Theo Walcott, ayaa sheegay in final-ka Koobka Carabao uu door muhiim ah ka qaadan doono go’aaminta kooxda ku guuleysan doonta Premier League xilli ciyaareedkan.

Walcott ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Monday Night Club oo uu daadihinayo Mark Chapman ku muujiyay in kulankaasi uu dejin doono jihada inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Sida uu sheegay Chapman, haddii kooxda Mikel Arteta laga adkaado kulanka ay la ciyaarayaan Manchester City bisha Maarso, waxaa kordhi doona cadaadiska iyo hadal-haynta ku saabsan kooxda.

Walcott ayaa ku jawaabay: “Kulankaas ayaa ah kan dejinaya sida sanadkan oo dhan uu ugu ekaan doono Arsenal.”

Laakiin weeraryahankii hore ee Premier League, Chris Sutton, ayaa yiri: “Runtii ma aaminsani in final-ka League Cup uu wax saameyn ah ku leeyahay tartanka Premier League.”

Final-ka Carabao Cup waxaa la ciyaari doonaa dhowr toddobaad ka hor inta aysan Manchester City ku martigelin Arsenal kulan Premier League ah 18-ka April.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga