Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Arsenal ayaa si dhow ula socda daafaca kooxda Newcastle iyo xulka England, Tino Livramento, oo 23 jir ah, iyagoo u arka saxiix suurtagal ah xagaaga soo socda (Sun).
Dominik Szoboszlai, oo 25 jir ah, ayaa heshiis mabda’ ah la gaaray Liverpool si uu u kordhiyo qandaraaskiisa, isagoo iska diiday xiisihii ay u muujiyeen Real Madrid iyo Bayern Munich (CaughtOffside).
Tababaraha xulka England Thomas Tuchel, tababaraha xulka Brazil Carlo Ancelotti, iyo tababaraha xulka Mareykanka Mauricio Pochettino dhammaantood waxay ku jiraan liiska musharraxiinta Manchester United si ay u noqdaan tababaraha xiga ee kooxda (Mirror).
Kooxda Man City ayaa Xabi Alonso u doonaysa in ay ku badasho Pep Guardiola hadii uu ka tago kooxda (Football Transfers).
kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Bernardo Silva (Fichajes).
Arsenal ayaa diyaar u ah inay ku biiraan tartanka loogu jiro saxiixa daafaca xulka England iyo Crystal Palace, Marc Guehi, oo 25 jir ah (Mirror)
Si kasta ha ahaatee Man City ayaa ku kalsoon in ay saxiixa Guehi ku garaaci doonto Arsenal Iyo Liverpool (Stra).
Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Antonio Rudiger suuqa January kuna iibiso lacag dhan 10 milyan oo euro waxana saxiixiisa doonaya PSG Iyo Chelsea (Fichajes).
Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Marcus Rashford (Mirror).
Man United ayaa joojisay bixitaanka xiddiga Joshua Zirkzee (Gazzetta dello Sport).
Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Noussair Mazraoui (Gazzetta dello Sport).
Be the first to comment