Ciyaaryahankii hore ee xulka Ingiriiska, David Beckham, ayaa magacay laba kooxood oo uu ka jecel yahay inay ku guuleystaan Champions League xilli ciyaareedkan.
Champions League bilaambay Salaasadii iyada oo kooxuhu u dadaalayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen meelo Fog tartanka.
Paris Saint-Germain waa kooxdii difaacanaysay horyaalka ugu sarreeya Yurub ka dib markii ay ku guuleysteen xilli ciyaareedkii hore.
Beckham ayaa sidoo kale ku taageeray Kylian Mbappé oo ka tirsan Real Madrid inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka Champions League, isagoo ka hadlayay CBS Sports.
“Waxaan u maleynayaa in PSG ay sanadkan mar kale ku dhowdahay guul, laakiin anigu waxaan dooranayaa Real Madrid”ayuu yidhi.
“Waxaan jeclahay Lamine [Yamal]. Waxaan u maleynayaa in xiisaha loo qabo uu run yahay, waana hibo weyn.”
“Laakiin waxaan dooranayaa Kylian inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya. Waxaan u maleynayaa Kylian, xilli ciyaareedkii hore, wuxuu dhaliyay goolal badan”
“Runtii waxaan aaminsanahay in xilli ciyaareedkan uu noqon doono xilli ciyaareedkiisa La Liga iyo Champions League.”
Be the first to comment