Slot Oo Sharaxay Sababta Uu Alexander Isak Ku Seegay Kulankii Burnley.

Tababaraha Kooxda Liverpool Arne Slot ayaa ka hadlay sababka uu gabi ahaan kooxdiisa uga saaray weeraryahankiisa usub ee Alexander Isak

Isak ayaa gabi ahaan ka maqnaa kooxdii Liverpool ee la ciyaartay Burnley kulan ka tirsanaa premier League.

Arne Slot oo ka hadlaya sababta Isak uga maqanyahay ciyaarta maanta:

“Waxaan go’aansanay in ay fiican tahay inuu helo toddobaad dhammaystiran oo tababar ah halkii mar walba uu 5 ilaa 10 daqiiqo ciyaari lahaa.”

“Waxaan taageerayaasha u xaqiijinayaa inuu ciyaari doono Arbacada! Ciyaartan maanta wax yar bay uga soo horeysay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga