Halyeeyga Chelsea, John Terry, ayaa sheegay in kooxda aysan ku guuleysan karin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Sida uu sheegay, khibrad la’aanta kooxda ayaa hubaal noqon doonta caqabad kooxdu wajihi doonto iyaga oo ku jira raadinta koobka.
Chelsea ayaa ilaa hadda ku guuleysatay labo ciyaar, halna bar-bar dhac gashay saddexdii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa ku guuleysatay Conference League isla markaana gaartay Champions League xilli ciyaareedkii hore.
Terry waxa uu aaminsan yahay in Chelsea aysan haysan khibradda ku filan si ay ula tartamaan kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Arsenal oo kale tartanka koobka.
“Ma hubo in Chelsea ay ku filan tahay khibrad kooxda dhexdeeda si ay u riixdo Liverpool, sidoo kale ma doonayo inaan cadaadis saarno kooxda Chelsea, sidaas darteed waxaan u maleynayaa in Liverpool tahay kooxda laga yaabo inay ku guuleysato,” ayuu u sheegay talkSPORT.
“Kooxda waa mid da’yar. Ma u maleynayaa inaan guuleysan doono? Maya, si daacad ah, laakiin waxaan u maleynayaa inaan si wanaagsan ugu tartami doono.”
Be the first to comment