Alan Shearer ayaa taageeray Viktor Gyokeres inuu “goolal badan” ka dhalin doono xilli ciyaareedkan, balse waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibadiisa Arsenal si degdeg ah ugu adeegaan kubadda hore.
Gyokeres ayaa ku dhibtooday inuu saameyn yeesho qeybtii hore ee ciyaartii Arsenal ay 3-0 kaga badiyeen Nottingham Forest Sabtidii horyaalka Premier League.
Laakiin 27-jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay hal daqiiqo kaddib markii qeybtii labaad la billaabay, isagoo dhammeystiray baas hoose oo uu ka helay Eberechi Eze.
Gyokeres ayaa hadda saddex gool ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin Shearer ayaa aaminsan in laacibkan uu ka faa’iideysan doono haddii kooxda Mikel Arteta ay ciyaarta dedejiyaan.
“Waxaan u maleynayaa si aan uga faa’iideysano isaga ugu fiican, wuxuu u baahan doonaa kubbado hore oo loo hor dhigo dilinta ganaaxa”ayuu Shearer yidhi.
“Waxa aan qiimeeyay qaybtii hore markii ay kubada in badan haysteen laakiin caawintii Eze ayaa tusaale weyn ah”.
“Waa kubad fiican oo loo hor dhigay goolka waana waxa uu mar walba doonayo in loo sameeyo”
“Waxa uu dhalin doonaa goolal badan hadii ay kubada u soo hordhigaan goolka hortiisa”.
Be the first to comment