Mikel Arteta Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Martin Ødegaard

Martin Ødegaard ayaa si hore looga beddelay kulankii weynaa ee Arsenal ay kaga adkaatay Nottingham Forest, taasoo u keentay Mikel Arteta walaac weyn oo dhaawac ah kahor furitaanka tartanka Champions League ee Salaasada.

Ødegaard ayaa dhawaan ka soo kabtay dhaawac garabka ah oo uu ka qaaday guushii ay Arsenal ka gaartay Leeds bishii hore, wuxuuna Sabtidii sameeyay bilowgiisii ugu horreeyay tan iyo markaas.

Si kastaba ha ahaatee, Ødegaard waxaa lagu qasbay inuu ciyaarta ka baxo qeybtii hore iyadoo uu u muuqdo inuu mar kale dareemay dhaawicii garabka, taasoo shaki galinaysa ka qeybgalkiisa kulanka Champions League ee Salaasada ay Arsenal la ciyaarayso Athletic Bilbao.

Isagoo la hadlayay saxaafadda kadib ciyaarta, Arteta ma uusan xaqiijin karin in Ødegaard uu diyaar u noqon doono kulanka Champions League.

Arteta ayaa u sheegay TNT Sports in Ødegaard laga beddelay kulankii Arsenal ay ku garaacday Nottingham Forest kadib markii uu dareemay dhibaato garabka isla kii dhawaan lagu beddelay kulankii Leeds.

“Waa garabka isla kii hore. Wuxuu dareemay raaxo-darro oo ma sii wadi karin,” ayuu yiri Arteta.

“Taasi waa nasiib darro sababtoo ah wuxuu ciyaaray xulka qaranka wuxuuna dareemayay inuu fiicanyahay. Wuxuu sameyn doonaa wax walba si uu uga qayb qaato ciyaarta bartamaha usbuuca, laakiin ma hubo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga