
Horyaalka Premier League waxa ka buuxaa goolhayayaal heer sare ah, waxaana Guglielmo Vicario uu shaaciyey cidda uu u arko goolhayaha ugu fiican horyaalka, isaga oo kala doortay Gianluigi Donnarumma iyo Alisson Becker.
Vicario ayaa si fiican ugu ciyaaraya kooxda Tottenham Hotspur, isagoo haatanba shabaqiisa ilaashaday 2 kulan xilli ciyaareedkan.
Si kastaba ha ahaatee, Alisson wuxuu ka mid ahaa goolhayayaashii ugu awoodda badnaa taariikhda Premier League, isaga oo ka caawiyey kooxda Reds inay ku guulaystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Hadda wuxuu la kulmi doonaa tartan adag si uu u noqdo goolhayaha ugu fiican horyaalka, ka dib markii Manchester City ay la saxiixatay Donnarumma si uu u beddelo Ederson oo kooxda ka tagaya.
Donnarumma ayaa dhowaan ku guuleystay Champions League isagoo la jooga PSG, wuxuuna xilli ciyaareedkan doonayaa inuu isku muujiyo sidoo kale horyaalka Premier League.
Guglielmo Vicario ayaa aaminsan in Gianluigi Donnarumma uu ka sarreeyo goolhayaha Liverpool.
Labada goolhaye ayaa si weyn ugu fiicnaaday ciyaarta xilli ciyaareedyadii u dambeeyay, balse Vicario wuxuu rumeysan yahay in Donnarumma uu ka horeeyo Alisson.
“Xilli ciyaareedkan, wuxuu la qaaday Champions League kooxda PSG, waxaana aaminsanahay inuu door weyn ka ciyaaray heerarkii bug-baxa ee Champions League,” ayuu yiri.
“Kooxdu si fiican ayay u ciyaaraysay, laakiin waxaan aaminsanahay in haddii uusan jirin kulamadii ay la ciyaareen Aston Villa sidoo kale Arsenal, natiijooyinku way ka duwanaan lahaayeen”.
“Alisson waxaan gelinayaa lambarka labaad sababtoo ah wuxuu ku guuleystay Premier League, wuxuuna ahaa mid cajiib ah. Wuu dhaawacnaa muddo, laakiin marka uu soo laabto, wuxuu si layaab leh ugu ciyaaraa kooxdiisa.”
Be the first to comment