
Tababaraha Mikel Arteta, ayaa qirtay in Liverpool ay yihiin kooxaha ugu cadcad tartanka horyaalka Premier League kadib saxiixa Alexander Isak.
Gunners waxay saddexda xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyay ku dhamaadeen kaalinta labaad ee horyaalka, iyagoo horyaalka ka qaatay kooxda Arne Slot ee Liverpool xilli-ciyaareedkii 2024-25.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha kubadda cagta, oo ay ku jirto Gary Neville, ayaa aaminsan in Arsenal sanadkan ay noqon doonto kooxdii ugu horreysay ee England ku guuleysata horyaalka tan iyo 2004.
Laakiin markii ay Liverpool lacag rikoodh ah kula soo saxiixatay Isak, Arteta ayaa dareensan in ay Liverpool tahay kooxda ugu awooda badan tartanka premier League.
Mikel Arteta waxaa shir jaraa’id oo Jimcihii dhacay lagu waydiiyay sida uu heshiiskii Liverpool ee Alexander Isak u beddelay tartanka horyaalka Premier League xilli-ciyaareedka 2025-26.
“Hagaag, iyagaa hubaal ah kuwa ugu xoogga badan,” ayuu Mikel Arteta u sheegay wariyeyaasha ka hor kulanka Sabtida ay Arsenal la ciyaarayso Nottingham Forest.
“Waxay suuqa kala soo wareegeen, malaha, labada ciyaaryahan ee ugu saameynta badan ee Yurub yaalay waqtigan. si fiican ayayna u qorsheeyeen saxiixyada suuqa”.
Be the first to comment