Liverpool, Arsenal, Man City Mise Chelsea? Jamie Redknapp Oo Magacaabay Laba Kooxood Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League.

Jamie Redknapp ayaa magacaabay labad kooxood ee ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa difaaceeda horyaalka ku bilaabatay 4-2 ay kaga badisay Bournemouth ciyaar ka dhacday Anfield habeenkii Jimcaha.

Kooxda Arne Slot oo horyaalka ku qaaday 10 dhibcood xilli ciyaareedkii hore ayaa u muuqday kuwo dhibco luminaya ka hor inta ayna daqiiqadihii ugu dambeeyay ku badin 2/0.

Kooxda ugu guulaha badan Premier League sannadihii la soo dhaafay, Manchester City, ayaa sidoo kale ku bilaabatay xilli ciyaareedka guul ay ka gaadheen Wolves kulan ay ku badiyeen 4/0.

Arsenal ayaa dhinaceeda garaacday Man United iyada oo ku badisay 1/0 halka ay Chelsea bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Crystal Palace.

Redknapp ayaa u arka kooxaha Liverpool iyo Arsenal in ay yihiin labada kooxood ee ugu cadcad hanashada horyaalka iyaga oo ka horeeya Manchester City wuxuuna ugu danbayn aaminsan yahay in kooxda difaacanaysa koobka ay wali tahay kooxda ugu cad-cad.

“waxa aan qaba in ay Liverpool tahay kooxda ugu cad-cad”ayuu yidhi.

“Arsenal waxa ay haysataa fursad kadib markii ay la soo saxiixdeen Zubimendi Iyo Gyokeres”.

“Waxa aan qabaa in ay kooxaha Liverpool Iyo Arsenal ku tartami doonaan premier League”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga