Muxuu Hansi Flick Ka Yidhi Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Inter

Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka bixitaanka kooxdiisa ee Champions League, ka dib markii ay guuldaro 4/3 ah kala kulantay Inter Milan lugtii labaad ee semi-finalka kulan ka dhacay garoonka Giuseppe Meazza Stadium.

“Waan niyad jabay, ma aha kooxdayda aawadeed,” Flick ayaa u sheegay shabakada Isbaanishka ee Movistar.

“Waxay isku dayeen wax walba oo ay awoodaan, wixii dhacayna way dhaceen, waan ka harnay tartanka, laakiin xilli ciyaareedka soo socda waxaan isku dayi doonaa mar kale inaan ka farxino taageerayaasheenna”.

Tababaraha ayaa intaa ku daray “Inter sidoo kale si fiican ayay u ciyaaraysaa, waa koox aad u fiican oo si fiican u difaacanaysa isla markaana leh weeraryahano aad u fiican, ma doonayo in aan wax badan ka sheego garsooraha, laakiin 50-50 kasta oo go’aan kasta waxa uu u socdaa dhinaca kooxda naga soo hor jeeda taas ayaana murugo iga gelinaysa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga