
Xiddiga kooxda Arsenal William Saliba ayaa shaaca ka qaaday cidda uu ku qiimeeyay ‘difaacii ugu fiicnaa taariikhda’.
23-jirkan ayaa si weyn loo saadaalinayay inuu naftiisa ka dhigi doono mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka sannadaha soo socda.
Waxaa laga yaabaa in qaarkood ay ku doodaan inuu mar hore gaaray heerkaas, laakiin dadka dhaliila ayaa tilmaamaya in koobab la’aantiisa ay sabab u tahay in isaga laga ilduufo doodan gaarka ah.
Saliba qudhiisa ayaa qiray in kor u qaadida koobabka ay ka dhigayso in Aanu wali ahayn midka ugu fiican isla markaas Sergio Ramos ku Tilmaamay daafaca ugu fiican adduunka.
Ramos ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu ugu fiican kadib markii uu ku guulaystay 16 koob 4 koob oo champions League ah.
Saliba waxa uu aad u doonayay in uu guriga u qaato maaliyada Ramos markii ay isaga Hor yimaadeen kulan waxana Ramos ku Qiimeeyay mid ka fiican Van Dijk.
‘Waan la ciyaarnay isaga xilli ciyaareedkii hore, dabcan waxaan doonayey shaadhka,” Saliba ayaa sidaas tidhi. Laakiin [Saaxiibkii Arsenal] Gabriel ayaa isna doonayay.
“Sergio Ramos, mid ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda, wuxuu muujiyay inaadan u baahnayn inaad sidaas u weynaato [si aad u noqoto kan aduunka ugu fiican] laakiin dabcan way fiican tahay haddii aad weyn tahay. Qof kastaa wuxuu leeyahay sifooyin u gaar ah sidaas darteed waxay ku xiran tahay”
Be the first to comment