
Mikel Arteta ayaa ku rajo wayn in Bukayo Saka uu diyaar u noqon doono soo laabashadiisa Arsenal kadib fasaxa xulalka.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa garoomada ka maqnaa ka dib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray muruqa kulankii Crystal Palace horaantii December.
Kadib qaliin uu maray waxa la filayaa in uu soo laaban doono dhamaadka Bishan.
Arsenal ayaa ciyaari doonta champions League Arbacada ka hor inta ayna la ciyaarin Chelsea laakiin ma ciyaari doonto ilaa 1 Bisha April.
Markii la weydiiyay war cusub oo ku saabsan xaalada Saka kadib bar-barihii Man United Arteta ayaa yidhi”Kadib fasaxa caalamiga h aan aragno halka uu joogo”.
“Horumarkiisa runtii aad ayuu u wanaagsan yahay runtii waa diyaar sida aan qiyaasi karno. Waxaan rajo ka qabnaa in dhowr toddobaad gudahood uu ciyaari doono”.
Be the first to comment