Laba Xiddig Oo Man United Ka Maqnaan Doona Kulanka Europa League

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka Europa  League.

Kooxda Ingariiska ayaa sheegtay in ciyaaryahanka reer Uruguay Manuel Ugarte uu seegi doono kulanka ay kooxdiisu beri la ciyaari doonto Sociedad.

Warar badan oo ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in Ugarte uu dhaawac soo gaaray islamarkaana uu kooxda ka maqnaan doono muddooyinka soo socda.

Daafaca Harry Maguire ayaa sidoo kale dhaawac ku seegaya kulanka bari.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Man United kuwaas oo doonaya in ay ku dagaalamaan koobka Europa League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga